Wararkii Ugudanbeeyay Soo Magacaabida Raiisal Wasaaraha Dalka

0

Wararkii ugu dambeeyay ee maagcaabista Reysalwasaaraha Soomaaliya iyo shaqsiyaadka ugu cad cad.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa weli wada kulamadii latashiyada ahaa ee ku aadan magacaabista Reysalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xilkaan oo ay raadiyeen shaqsiyaad badan ayaa hadda waxaa isku soo haray dhowr qof, waxaana kamid ah.

1) Dr Maxamed Cali Nuur, oo ka tirsan wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya kana soo shaqeeyay urur gobaleedka IGAD.

2) Cabdiraxmaan Yabarow, oo ah madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA. Yabarow waxa uu qeyb ka yahay dad kooban oo aad looga fakarayo xilkaan, balse ma cadda mowqifkiisa.

3) Cabdikariin Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug, sidoo kalane soo noqday wasiirkii amniga Qaranka.

4) Eng Cabdullaahi Cali Xasan, oo ah wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

5) Iyo Nuur Diiriye Xirsi “Eng Fuursade” oo ah agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kalane saaxiib dhaw la ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Yabarow, madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa 80% la sheegay inuu ugu dhawyahay in xilkaan loo magacaabo.

Waxaa aad isa soo taraya wararka sheegaya in waqti dhaw lagu dhawaaqo Reysalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here