sida ay sheegtay Idaacada BBC Somali Quds News Network oo ah warbaahin taageerta Xamsa Cabdi Barre ayaa soo qaatay hadal shalay uu jeediyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya isagoona si weyn u taageeray qadiyada Xamaas.
Quds News Network ayaa bartooda twitter-ka soo dhigay muuqaalka Raysal wasaaraha gaar ahaan sidii u cadeeyay in Xamaas argagaxiso ahayn oo ay yihiin urur xoreynaya dalkooda’.
Advertisement
Kulankii Culimada Soomaaliyeed ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka ayuu hadalkaan ka jeediyay Ra’iisukwasaare Xamse Cabdi Barre.
“xilkeenaba aan ku waynee xaqa ma qarin karno mana la fiirsan karo shacab Muslimiin ah oo guryahoodii lagu duminaayo hubka dunida ugu casrisan”ayaa ka mid ahaa hadaladii Xamze Bare
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM