MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Waxaa saaka oo Axad ah mar kale Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ka soo muuqday eedeyaane Sayid Cali oo loo heysto inuu xaaskiisa gubay.

Advertisement

Eeeysanahaan waxaa hore dil toogasho ah ugu xukuntay Maxkada Gobolka Banaadir balse racfaan ayuu ka qaatay, waxaana markaas kadib la wareegtay dacwadiisa Maxkamada racfaanka oo markii sedexaad uu saaka ka soo muuqday.

Abuukaate Cali Xalane oo difaacaya eedeysanaha ayaa saaka difaaciisa halkiisa ka sii watay,wuxuu ku adkeysanayaa in xaaskii Sayid Cali aysan u dhiman dhaawac uu gaarsiiyay Sayid Cali.

Abuukaate Cali Xalane wuxuu carabka ku adkeeyay in xeer ilaalintu maxkamada la imaan cadeymo muujinaya in sayid Cali dilay xaaskiisa.

Dhanka kale abuukaatayaasha kale ayaa iyaguna maxkamada hore uga soo bandhigay Sayid Cali oo afkiisa ka qiranaya inuu shidaal soo iibsaday gurigana ku gubay, waxayna u daliishadeen dabka uu shiday ay ku geeriyootay xaaskiisa sidaas daraadeedna waxay soo jeediyeen in dil toogasho lagu xukumo.

Xeer Ilaaliye ku xigeen Yaxye Maxamuud Saciid ayaa maxkamada ka codsaday in dil toogasho lagu xukumo sayid Cali madaama sida uu sheegay in cadeymaha danbigiisa la wadaageem Maxkamada.

Si kastaba Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa sheegtay in markale la isku iman doono islamarkaana ay dib u dhigtay ku dhawaaqista Xukunka eedeysane Sayid Cali.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here