
Kooxaha Daneeyo Soomaaliya ee loo yaqaano Beesha Caalamka ayaa war mar walba soo saaro iyadoona warkooda muuqan u jeedkiisa
Dalka Soomaaliya waxaa ka jira arimo halis ah oo qatar galin karo wax yaalahii la soo dhoobaayey 30 sano ee la soo dhaafay
Beesha Caalamka ayaa dagan Xeen daab u qaas ah oo ka duwan magaalada inteeda kale, waxaa ku taalo goobo hadaa aragto aadan is dhaheynin halkaan Soomaliya ayeey ku talaa Quruxdeeda maalinksta waxay isaga kala gooshaan Diyaarado qarashka ku baxaayo xad dhaaf yahay lacagtana laga doonaayo Soomaliya
Beesha Caalamka ayaa shalay soo saaray war ay uga hadlayeen Arimaha murugsan ee Soomaliya iyadoona sida muuqata warkaa uu aheyn mid u jeed muuqda leh
Waxay dhaheen waa in loo hogaasamaa Heshiiskii 17 Setenbar 2020 kaa oo isla gareen Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleydyada
Waxay kale oo raceyeen in Doorashada noqotaa
mid loo dhan yahay dhamanaa ka qeyb galaan Saamileyda Siyaasada
Sida muuqata muran kuma jira in la hergaliyo Heshiiska Doorashada dhamaan waa isla ogol yihiin waxa leysku heysta waa habka Fulinta ay Dowlada u fulisay sida ay iyadu uun rabto
Marka hore qalad ayeey aheyd in Doolad Doorasha ka qeyb galeysa la yiraado arimaha Doorashada masuul ka noqon waxaana arintaa lahaa in ay si wada jir u xulaan Gudi Doorashada ka shaqeeyo kuwaa soo xulaan gudi Doorasho
Beesha Caalamka way ogtahay waxa hor taagan in la qabto Doorasho loo dhan yahay oo xor iyo Xalaal ah ma taabaneysa Boogta weey ka war wareygeysaa
Warka Beesha Caalamka ayaa ah Calina Gar leh Ceydiidna Gar leh