Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Aadan Barre Ducaale oo maanta ka hadlayey munaasabada lagu daah furayey xarunta akadeemiyo gobolleedka afka soomaaliga oo Muqdisho ka dhacday ayaa ka hadlay arimo dhowr ah.

Aadan Ducaale ayaa si kaftan ah Madaxweyne Xasan Sheekh uga codsaday in laga joojiyo amarna uu kasoo saaro in loogu yeero Soomaali sujuu dadka kenya deggan Ee Soomaalida ah ee Afka Soomaaliga dhibka ku ah ku hadalkiisa.

Wasiir Aadan Ducaale ayaa dhanka kale sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kasoo qeyb galo xafladaan ballana uqaaday in Kenya ay garab joogto mar xalad walbo Dawladda Soomaaliya.

Aadan Barre Ducaale ayaa dhanka kale ku baaqay in la joojiyo jalaafo uu sheegay in hadda lagu hayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana ku taliyey in lala shaqeeyo dawladda uu hogaaminayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here