Wasiir Ducaale oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo mudooyinkii lasoo dhaafay dalka dibadiisa ku maqnaa.

Wasiirka ayaa markii uu kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa si diiran usoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano iyo dad kale oo u badnaa taageerayaashiisa.

Xildhibaan Ducaale oo kamid ahaa raga aadka ugu dhawaa Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si weyna uga soo horjeeday xil ka qaadistii lagu sameeyay ayaa mudooyinkan ka maqnaa dalka .

Siihaya Wasiirka Amniga oo kamid ah xubnaha aadka ugu dhaw Kheyre ayaa la hadal hayaa in uu ku jiro Wasiirada xilalkooda waayi doona marka lasoo dhiso Xukuumada cusub, Wasiirkan ayaana shaqeyn tan iyo markii Kheyre baxay kadib markii awoodiisa la xadiday.

Soo dhaweynta maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde loogu sameeyay sii hayaha xilka Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya ayaa la tilmaamay in ay aheyd dhoolo tus uu isku muujinayay Wasiirka oo loolan adag kala kulmaya xiligan Villa Soomaaliya.

   

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here