Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa  48 saac kadib ka hadlay ka bixitaankii Ciidamada Ahlusunna ay ka baxeen magaalada Guriceel.

Falagle ayaa sheegay in ka Bixitaanka ciidamada iyo hogaanka Ahlu-Sunna  ee Guriceel, ay ahayd talo ay qateen maamulka iyo shacabka Galmudug.

“Nuxurkayaga waxa uu ahaa nimankaan Guriceel ha laga saaro oo dadkana magaalada ha kusoo noqdaan, wixii ay tabanayaan ha ka hadlaan, Nimankii ayey arrintaas ka ogolaadeen welina wey isku maqan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Sidoo kale waxa uu dagaalkii Guriceel ku tilmaamay inqilaab dhicisoobay oo meesha looga saarayay nidaamka iyo sharciyada Galmudug, islamarkaana uu ka hortagay maamulka.

Office Nairobi kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here