W/Q: xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye

Waxa aan codkayga ku biirinayaa waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ugu baaqay madaxweynahii hore ee Soomaaliya Farmaajo in uu ka joogo daadinta dhiiga shacabka, Waxa aan xasuusinaynaa Farmaajo in Weerarka ay ciidanka uu sida gaarka ah u soo soocdey ku qaadeen deegaanka Shiirkole uu yahay mid la doonayo in lagu banaysto daadinta dhiigga maatida deegaan gaar ah.

Waxaa nasiib darro weyn ah in maanta ay jiraan dad weli u xiiso qaba dhiiga shacabka soomaaliyeed taas oo aan aragnay halka ay na dhigtay 30-kii sano ee la soo dhaafay, halka Shacabka Muqdisho ay naftooda, maalkooda iyo masiirkoodaba u hureen mideynta iyo isku keenida Ummadda Soomaaliyeed.

Dambiilayaashu uu ka mid yahay Cabdirashiid Janan waxa ay jiifaan Villa Soomaaliya, Halka Sarkaal Qaranka u shaqaynayeyna oo laf- dhabar u ahaa 4tii sano la soo dhaafay loo dabajoogo hab qabyaaladaysan marku iska diiday sharci darrada Farmaajo rabo inuu dalkaan ku haysto.

Reer Shiirkole iyo beelweynta deegaanka Muqdishu waxaan ugu baaqayaa iney is difaacaan oo aan lagala bixin wiilkooda sharci darada darajadiisa looga qaaday hadana loo socdo dhiigiisa.

Farmaajo flimkaan horaan u soo fiirsanay hadduu adiga ku dhaafay ee waxaad ka hesho waxba hanaga siin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here