Wasiir Hore oo wax laga Xumaado ku Tolmaamay hadalkii Manata ka jeediyey wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaliya

0

Bismillah,

Galabta waxaan toos u daawaday kalfadhi uu Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ka lahaa xaaladda Soomaaliya. Waxaa warbixinno laga dhageystay Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM, Danjire James Swan, iyo Wakiilka Gaarka ee Midowga Afrika ahna madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira.

Qofka dhuuxa warbixinnada ay danjirayaashu soo gudbiyeen, iyo hadal-jeedinta 15-ka xubnood ee Golaha Amniga, waxaa u caddaaneysa inuu dalkeennu galay marxalad aad u adag.

Waxaa laga hadlay: amni xumo, fat amni xumo, fatahaado, ayax, khilaaf siyaasadeed, colaado beeleed ahaado, ayax, khilaaf siyaasadeed, colaado beeleed, ismariwaa u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Dowladihii hadlay oo dhan waxay madaxda Soomaalida ku waaninaayeen inay wada hadlaan, inay colaadda joojiyaan, inay cadowga Al Shabaab u midoobaan, inay doorashada ka heshiiyaan, wakhtigeedana ku qabtaan, iyo inay dadkooda u turaan.

Nasiib darro iyo waji gabax ka weyn ma jirto in shisheeyuhu had iyo goor nagu waaniyaan maslaxadda dadkeenna iyo dalkeenna. Waxaa ii sii caddaatay heerka uu gaarsiisan yahay fashalka nagu dhacay 30kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaan isweydiiyay: tolow meeqo sano ayaan kusii jiri doonnaa ajandaha Golaha Amniga?

Rabbaa og!

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here