Qaybta 1 aad Wasiir aan damiir lahayn:-(Akhriso) Wasiir ka tirsan DF oo ka inkaarsaday shaqaale ka tirsanaa Wasaaradiisa !!

Wareegto ka soo baxday Wasiirka Wasaaradda Gancsiga iyo Warshadaha ee Xukuumada Somalia Jibril Abdirashid Xaaji ayaa lagu kala diray shaqaalihii aan gunnada qaadan jirin ee sida KMG ah wasaaraddaas u joogay.

Shaqaalahan oo aan tiradooda rasmiga ah la shaacin ayaa muddo sanado ah maalin walba tegi jiray Wasaaradaas, iyagoo intaas sugayey in si rasmi ah loo shaqaaleeyo.

Hase ahaatee, Wasiirka Wasaaradda Gancsiga iyo Warshadaha ee Xukuumada Somalia ayaa soo saaray wareegto lagu kala diray shaqaalahaas taasoo soo afjartay rajadii ay ka qabeen in lagu daro shaqaalaha Wasaarada

“Muddo labo sano ka badan ayaan ka tirsanaa shaqaalaha aan rasmiga aheyn ee Wasaarada, bas raaca anigaa iska bixin jiray, anigoo rajo ka qabay in malin maalmaha ka mid ah aan wasaarada ka heli doono xuquuq shaqaale oo dhameystiran, balse rajadaas hadda wey soo afjarantay” ayuu ku cataabay mid ka mid ah shaqaalaha KMG ah ee la kala diray.

Shaqaalaha aan rasmiga aheyn ee sugaya in mustaqbalka la shaqaaleeyo ayaa ka howlgala dhamaan Wasaaradaha iyo heyadaha dowlada, iyadoo Wasiirka ganacsiga uu noqday wasiirkii ugu horeeyey ee kala dira shaqaalahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here