Wasiirad Deeqo Yaasiin ” Mas’uul kama Ihi arintaas, waana la iga been abuuray waxaan ahay qof islaam ah Dawo Muqalka

0

Maalmo ka hor ayay ahayd markii baarlamaanka Dowlada Soomaaliya uu ka dooday sharciga Galmada, gaar ahaan mid si anshax Xumo ah laga aqriyay, waxaana arintaas jawaab ka Bixisay Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya, Marwo Deeqo Yaasiin oo arintaas saxaafada hadal haysay in ay ka Danbaysay.

Doodan kulul ee maalmihii la soo dhaafay ka taagneed shacabka Soomaaliyeed, taasi oo shaki badan dhalisay, ayaa waxaa arintaas jawaab ka bixisay Deeqo Yaasiin oo si qaldan loo sheegay in ay gadaal ka Riixayso arintaas.

Wasiir Deeqo oo wareysi gaar ah siisay Shabelle TV ayaa shaaciysay in sharcigan uu muddo labo sano ah uu horyaallo baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana xildhibaanada loo qeybiyey bishii Septermber ee sanadkii la soo dhaafay 2018-kii.

Wasiirad Deeqo Yaasiin oo ah qof Asturan dhowrsan ayaa waxay sheegtay in laga Been sheegay, waxayna sheegtay in bishii Augusto ee sanadkan uu markale ka doodayo Golaha Shacabka sharci la yiraahdo Galmada, kaas oo ay tilmaamay in wasaaradeeda aysan gudbin.

 

 

|”“Ka wasaarad ahaan shaqo kuma lihin sharcigaas Augusto sanadkan ayaa Golaha Shacabka laga sheegay, waxaan maqlay sharci Galmo la yiraahdo in la keenay baarlamaanka xildhibaanadiisuna ay iska diideen, laakiin waxaa ku sheegaa sharciga Galmada ma’ahan sharci aan annaga Golaha keenay” ayey tiri wasiirka Haweenka xukuumadda Soomaaliya Marwo Deeqo.

Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay in sharcigan la siyaasadeeyey, islamarkaana ay ka dambeeyaan dad leh dano siyaasadeed.

“Waa la siyaasadeeyey xeerka Jinsiga, dadkii siyaasadeeyey ilaah ayaan ku daayey, oo isku dayaya in ay Xumeeyaan magacayga, waxaan ahay qof islaam ah ku dhalatay islaanimo dad sharafleh ka soo Jeedo, waxaasna Igama suurtoobaan” ayey markale tiri wasiiradda oo aad uga Carootay Been abuurka loo Geestay.

dhinaca kale Marwo Deeqo Yaasiin oo ka jawaabeysay dhaliilaha xoogan ee loo jeedinayey maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in la shaqsiyadeeyo shacriga dambiyada jinsiga oo ay sheegtay inuu yahay sharcigii xukuumadda Soomaaliya.

cabdixakiim Cilmi Xasan
Nairobi Kenya

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here