Ciidamada Puntland ayaa weerar ku qaaday beerta Nabadoon Yaasiin Cabdisamad ee magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu afur ugu sameeyey Nabadoonku, wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdi Siciid iyo caruurtiisa oo dhawaan qoys u tagay magaaladaas, maadaama ay qaraabo yihiin.

Inta la xaqiijiyey ilaa hadda hal askari oo kamid ahaa ilaalada wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa kugeeriyooday weerarkan, waxaana dhaawacmay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo sarkaal kamid ah kuwa Puntland.

3-dii sanno ee lasoo dhaafay Puntland kala aragti duwanaanshaha ayaa mamnuuc ahaa, dhacdooyinka siyaasadeed ayaana mar kasta lagu wajahayay awood ciidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here