Waxa aan Maanta heshiiska dhismaha Dekedda Hobyo kula saxiixanay Shirkadda Oriental Terminal oo ah Isbahaysi ka koooban Seddex Shirkadood oo ka soo kala jeeda Turkey, Ingiiriis iyo Soomaali; Shirkadan oo saldhigeedu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay Wasaaradda Dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug la gaartay heshiiskan kadib markii bilihii ugu dambeeyey aan kulamo kala duwan la qaadanay shirkadaha ugu tayada wanaagsan arrimaha horumarinta Dekedaha iyo Maamulka Mashaariicda waaweyn ee horumarinta kaabaayaasha Dhaqaalaha, Islamarkaana waafaqsan shuruudaha maalgashiga Galmudug, ee uu fadhigoodu yahay dalalka Turkey, UK, Belgium iyo Netherland.
Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madasha Saxiixa heshiiska Shirkadda Holman Fenwick Willan (HFW) oo ah sharciyaqaano ku takhasusay arrimaha Badda oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska, oo kala talinaya dhinaca Sharciga Wasaaradda Dekadaha iyo Kalluumeysiga Dowlad-goboleedka Galmudug.

Heshiiskan waxaa qeyb ka ah in dhammaadka bishan ay dalka soo gaari doonaan kooxda hore ee Sahanka, si ay u qiimeeyaan hababka kala duwan ee dhismaha iyo howlgelinta Dekedda, farsamada, saameynta deegaanka & Bay’ada iyo guud ahaan diyaarinta qorshe buuxa oo cilmiyeysan, islamarkaana waqtiyeysan oo waafaqsan halbeegyada caalamiga ah, halka Wajiga labaad ee dhismaha uu bilaaban doono Bisha Maarso 2021.

Waxaa xaqiiqo ah in dhismaha Dekedda Hobyo uu abuuri doono fursado shaqo, ganacsi oo horseeda isbedel dhaqan-dhaqaale oo muuqda, saameyn toos ah ahna ku yeelan doono nolosha Maalaayiinta ku nool Galmudug iyo dowlad-goboleedyada la deriska ah.

Wasiir Abdisabir Shurie

#Dekaddahobyo

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here