Maamulka Galmudug ayaa faahfaahin rasmi ah ka bixiyey dagaalka saacadihii u dambeeyey deegaano dhaca koonfurta Dhuusamareeb ku dhex maray ciidamada dowladda federaalka iyo Al-Shabaab.

Wasiirka warfaafinta dowladda goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa warbaahinta uga warbixiyey sida ay wax u dhaceen, waxuuna guulo ka sheegtay dagaalkii ay ciidamadu la galeen Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa tacsi u diray ehellada laba askari oo shalay ku geeriyootay qarax ciidamadaas markii ay ka baxeen Dhuusamareeb lagula beegsaday deegaan lagu magacaabo Sina-dhaqo.

Sidoo kale waxuu caafimaad u rajeeyey illaa sideed askari oo kale oo qaraxaas ay dhaawacyo ka soo gaareen, isagoo balan qaaday in maamulku si dhow uga warqabi doono caafimaadkooda.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here