Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Maxamed Caabi Xasan ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sanad walba qaada Imtaxaanka Shahaadiga ee Fasala 4aad ee Dusiga Sare, kaas oo ay sanadkaan u fadhiisteen in ka badan 35,000 oo arday, oo ku sugan Dowlad Gobaleeyada; Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Gobalka Banaadir.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabi Xasan oo la hadlay warbaahinta markii uu soo dhammaaday Imtaxaanka ayaa sheegay “in imtixaanku uu ku soo dhamaaday Jawi degan, islamarkaana ay ardayda Soomaaliyeed muujiyeen dadaalkooda ku aaddaan waxbarashada” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab ) oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahadceliyey cidkasta oo qeyb ka qaadatay oo ay ugu horreeyaan waalidiinta, ardayda iyo Ciidamada Amniga oo qeyb muhiim ka qaatay.

Wasiirka Waxbarashada oo wax laga weydiiyay shaqaaqo dhacday inta uu Imtaxaanka socday ayaa yiri; ”Arday dhaawacmay ama wax noqday ma jiro, Mobile iyo qish lagu qabtay bay ka buuqeen wixiina Booliskaa xalliyey, Waalidiinta waxa aan fareynaa imtixaanada soo socda in ay Mobile-da kasoo reebaan”

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad walba qaada Imtaxaanka Shahaadiga ee Fasalka 12aad, waxaana imtaxaanka ak qeyb galin Ardeyda ku dhaqan deegaannada Puntland iyo Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here