Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa Dowladad Federaalka ugu baaqay “in ay fuliso howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab si ay uga falceliso weerarkii ay ku dileen Dadka Shacabka ah kuna gubeen Gaadiidka ay wateen”.

Goodax waxa uu sheegay in xalka u muuqda ee wax looga qaban karo weerarrada Al-Shabab uu yahay in laga qabsado Magaalooyinka saldhigyada waaweyn u ah sida Moqokori, Aadan Yabaal, Buq aqable & kuwo kale.

Cabdullaahi Goodax ayaa tilmaamay in shacabka ay u diyaarsan yihiin in Dowladda ay ku garabsiiyaan la dagaalanka Al-Shabaab balse loo baahan yahay in Dowladdu ay la timaado qorshihii ay uga faaiideysan lahayd fursadda ay heysato.

“Haddii Dowladdu ay rabto in ay wax qabato howl weyn oo wanaagsan oo ay qaban karto una qaabeysan tahay marka loo fiiriyo la dagaalka Shabaab ayaa jirto, Dowladda waxa aan u tilmaami lahaa in ay ka shaqeyso sidii Shabaabka looga xorreyn lahaa magaalooyinka saldhigga weyn ku leyihiin, Moqokori, Aadan Yabaal & Buq aqable meelahaas waa meelaha la rabo in ay tagto Dowladda kana xorreyso, shacabkana ay u deyso in duurka wixii ku jira ay ka shaqeeyaan” Cabdullaahi Goodax Barre.

Waxa uu Cabdullaahi Goodax soo hadal qaaday falcelinta ka dhalan karta dadkii Al-Shabaab ay ku dileen Deegaanka Afar Irdood maadaama uu sheegay in dadkaas weerarka geystay ay Hiiraan joogaan.

“Meesha Afar irdoodka lagu leeyahay waa bannaanka Baladweyne, meeshaas dadkii dadka kusoo haligay waxa ay dib ugu soo laabteen guryahooda Magaalada Baladweyne, sida dhaqanka Soomaaliyeed uu ahaa, Baladweyne ilmahaagu way ku noolaanayaan, Xaaskaaga way ka shaqeyneesaa haddii la rabo adiga oo Shacaab ah ayaa ganacsi ku leh, Dadka ilmihiisa, Carruurtiisa & waayeelkooda waan soo xasuuqayaa markaasaa baladka ku noolaanayaa dadka deegaankaas jooga in aysan aqbali doonin ayaa ii muuqata” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Inta uu Maamulka Gobolka Hiiraan Xaqiijiyay weerarka ka dhacay Deegaanka Afar Irdood waxaa ku dhintay 21 ruux oo 3 kamid ah ay haleeshay miino nooca dhulka lagu aaso, halka 18 kale toos ay u dileen dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here