Erling Haaland wuxuu noqon doonaa xiddigii ugu fiicnaa taariikhda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, sida uu rumaysan yahay difaacii hore ee Liverpool ee Jamie Carragher oo meel iska dhigay xafiiltanka u dhexeeya kooxdiisa hore iyo Man City.

Erling Haaland oo ay da’diisu tahay 22 jir ayaa Manchester City u dhaliyey 9 gool shan ciyaarood oo Premier League ah oo uu saftay, isaga oo waliba ku cusub horyaalka.

 

 

 

Ciyaartii West Ham ayuu laba gool ku furtay goolasha, waxaana uu raaciyey caawin uu sameeyey ciyaaartii Bournemouth ka hor intii aanu saddex saddexlay ka dhalinin Newcastle United, Crystal Palace iyo Nottingham Forest.

City oo kaliya 51 milyan oo Gini kusoo iibsatay Erling Haaland bishii June ayaa waxa uu durba meel saartay oo uu u muuqdaa in looga hadhay abaal-marinta kabta dahabka ah ee  Premier League ee sannadkan, iyadoo sidoo kalena uu meel saartay xiddignimada bishii August.

Jamie Carragher oo lagu yaqaano in uu si weyn ula safto ciyaartoyda kooxdiisii Liverpool ayaa waxa uu markan meel iska dhigay xafiiltanka, waxaanu saadaaliyey Erling Haaland oo uu amaan kula dul-dhacay, waxaanu yidhi: “Waxa uu u muuqdaa mid layaableh. Waxa aan falanqaynayaa ciyaarta Sabtida ee Villa Park ee Aston Villa vs Manchester City.

Waxa aan ku faraxsanahay in aan daawanayo ciyaarta laakiin waxay xiise ii samaynaysa in aan isaga daawado oo aan markii ugu horreysay falanqeeyo.

“Waxa uu noqon karaa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa taariikhda Premier League, balse wali waxa u hadhsan inuu horumar sameeyo, runtiina waa ciyaartoy cajiib ah.

“Marka uu dhamaysanayo waqtigiisa Man City ama Premier League, waxaynu ka hadli doonaa inaga oo barbar-dhigayna Thierry Henry.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here