Weerarkaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay waxaa uu ka dhacay bartamaha degmada Cabudwaaq oo katirsan Gobolka Galgaduud.

Nin la sheegay in uu ku hubeysnaa Qoray AK47 ayaa rasaaseeyay dad Shacab ah oo fadhiyay Goob Ganacsi oo kutaalla Aaga barxada Siigadheere ee degmada Cabudwaaq, isaga oo durba Goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaastaay ku dhinteen laba Ruux oo dhalinyaro ahaa hal Nin oo kalena uu ku dhaawacmay, dadkaas oo dhamaantood Reer Cabudwaaq ahaa.

Dadka la dilay ayaa Magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Shariif Maxamuud Daahir iyo Idiris Bashiir Cabdi, waxaana la sheegay in weerarka dilkan uu la xiriiro arrimo ku saabsan aanooyin qabiil, isla markaana uu daba socdo dil Maalmo ka hor loogu geystay degmada Cabudwaaq Darawalka Gaari jaad geyn jiray degmadaas.

laamaha ammaanka degmada Cabudwaaq ayaa sheegay inay ku dabajiraan ninkii weerarkan fuliyay, iyada oo dilalka aanooyinka qaabiilka ah ay kusoo bateen degaannada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here