Weerar ismiidaamin ah oo looga shakiyay in ay Masuul kayihiin Kooxaxa Xiriirka laleh Ururka Alqaacida iyo Daacish ayaa gilgilay kaniisad ku taal Indonesia, dad badan ayaa ku dhaawacmay

Ugu yaraan sagaal qof ayaa dhaawacmay ka dib markii qof looga shakisan yahay uu isku qarxiyay banaanka kaniisad ay dad badani joogeen.

Qofka ayaa is qarxiyay banaanka kaniisad katoolik ah oo kutaala magaalada Makassar ee dalka Indooniisiya, booliska iyo qof goobjooge ah ayaa yiri, ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhaawacay maalinta koowaad ee usbuuca barakaysan ee Easter.

Qaraxa ayaa dhacay Axadii xilli ay jameecadu ku jirtay gudaha kaniisada, afhayeenka booliska E Zulpan ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

By C/wahaab Aadan C/raxmaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here