Ⓒ Weerarkii shabab ay ku qaadeen deegaanada Ceel Barde iyo Yeed , ee Gobolka Bakool , uguna sii gudbeen gudaha Ethiopia .

O Dilkii Wasiirka caddaalada koonfur galbeed oo ka mid ahaa dadka ugu tun weyn la dagaalanka Shabaab .

O Gudoomiyihii degmada Marka iyo dadkii la socday oo ayagana Hal goob lagu xasuuqay .

O Suuqa weyn ee degmada Afgooye ayaa lagu beegsaday dadweyne fara badan oo aan waxba galabsan .

Ⓒ Weerarkii hotel Xayaat , ahaana kii ugu cuslaaa beryahaan Afrik kadib , waxaana ku dhintay ku dhawaad 30 qof .

O Jowhar ayaa ayadana ahayd goobta geerida oo ay ku dhamaadeen dad badan , iyo dhaawacyo aan xisaab lahayn kadib weeraro loo geystay hotello halkaas ku yaalay .

O Maxaas iyo hareeraheeda ayaa lagu gubay ceelal , dad deegaan ahna lagu laayay , taas oo ay ka dhalatay Iska cabin dadka deegaanka ah in ay kala kulmaan .

Dhaca Shacabka lagula kaco iyo tuugada caasimaddu waa korortay , waxaana jiray kooxo faldambiyeed oo abaabulan sida Ciyaal weero oo dad badan laayey bilihii lasoo dhaafay .

Madaxweyne intaas oo dhacdo ilaa hadda qof loo xiray lama arag , cid loo qabtay ma aragno , masuul xil ku waayey majiro , abaabul iyo diyaar garow ciidan oo aan igu sawir ahayn ma muuqdo , taasna cudurdaar uma heli karno , waxaanse ku dhihi lahaa qof Damjadiid ah iyo mid Daljir ah midna kuma dhiman , ee raggaan ku hordhooban ee marba qaanad isgalinaya si ay xil keliya kaaga helaan , yeysan waqtiga kaa lumin , ee umadda bad – badeeda usoo jeeso iyo qabiillada is abaabulan waa fursad aan ku sugi doonine .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here