Weerarkii saakey lagu qaadey guri ay degmada Baardheere kaga sugnaayeen mas’uulyiin iyo saraakiil ciidan oo ay kamid yihiin Abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga korneyl Axmed Cabdullaahi Xirsi (labaale), guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Bulle Gareed iyo Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan.
Xogtii ugu dambeysay ayaa sheegaysa in weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday gaari ah ay ku dhaawacmeyn madaxdii halkaas ku sugnaa, halka qaar kamid ah ilaaladoodii ay ku dhinteen iyadoo dhaawac culus uu soo gaaray guddoomiyaha gobolka Axmed Buulle.
Advertisement
isgaarsiinta degaanka oo aan hagaagsaneyn ayaa keeneysa in aan la helin xogta rasmiga ah ee khasaaraha