Wuxuu Caalamku isku raacay in ay Soomali tahay dalka caalamka ugu MUSUQA BADAN OO AY DILOOTAY CADAALAD XUMO IYO MUSUQ.

0

Golahii joongooyay doorashada oo ka kooban 5 Maamul Goboleed sida Puntaland. Galmudug. Hirshabeele. Koofur Galbeed iyo Jubbaland Madaxdooda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo waliba Madaxweynaha Fedaraalka waxay isku raaceen MUSUQII IYO CADDAALAD XUMADEE EBAD SOO MARTO SOOMALIYA MARKA LAGA REEBO XILIGII RAGIIMKII waliba waxay Jabiyeen tastuurkii lagu heshiiyay kaddib markii ay soo saareeyn qodobo Muwaadiniinta Soomaaliyeed kala sarreeyn siinayo oo waliba la’dhihi karo WAA QODOBO TAKOOR XAMBAARSAN.

1) Caddaalad xumada iyo kala sarreeynta muwaadinka Soomaaliyeed oo ay sameeyeen madaxda aan kor ku xusay oo markii horaba musuqa iyo caddaalad xumada Soomaali dilootay horseedka ka ahaa waa sidan:

A) waxay dhaheen muwaadinka Soomaaliyeed oo u tartamayo in uu noqdo xubin Aqalka Sare Waa in uu bixiyo $20,000 (labaatan kun oo doolar).

B) waxay dhaheen muwaadinka Soomaliyeed oo u tartamayo Golaha Barlamanka waa in uu bixiyo $10,000 (tobonka kun oo doolar).

C) waxay dhaheen qofka u gudbinayo guddiga khilaafaadka cabasho sida in la’musuq maasuqay doorashaddii uu u tartamay IWM waa in uu bixiyo $3,000 (saddax kun oo doolar).

2) eexda, caddaalad xumada iyotakoorka ku jiro qodobadaan iyo waliba sida ay aheeyd in loo dhigo waa sidan.

A) qodobada ah muwaadinka Aqal sare iyo Aqal hoose u tartamayo ha’bixiyeen lacagta Faraha badan oo aan kor xusay.

Macnaheedu waxaa weeye muwaadin aan lacag heeysan jago Barlaman Aqal sare iyo Golaha Barlamanka midne ma’noqon karo taas waa TAKOOR LA’TAKOORAYO qofkii aan lacag heeysan waana eex loo eexanayo qofkii lacag heeysto waa caddaalad darro si toos ah loogu sameeyay qofka aan lacag heeysan, waa ku tumasho tastuurkii lagu heshiiyay oo dhigayay muwaadinka Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay in uu wax doorto lana doorto taas waxay ku badaleen madaxda kor ku qoran muwaadinka xaq uma leh in la’doorto haddii uusan heeysan ugu yaraan TOBAN KUN AMA LABAATAN KUN oo doolar taas oo ah kutumasho tastuurkii lagu heshiiyay iyo KALA SAREEYSIIN MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED KUWA LACAGTA HEEYSTO IYO KUWA AAN LACAGTA HEEYSAN.

Waxay aheeyd in la’yiraa muwaadinkii Soomaaliyeed oo hami ka leh in uu noqdo xubin Barlaman Aqal sare iyo mid hoose haku soo dhawaado gacmo FURAN: kaddib waxaa dhici la’heeyd Gabadha ama wiilka jaamacadda uga baxay Soomaliya oo agoonka ah oo waliba ay hooyadiis ayadoo shaah ku karineeyso jidadka xamar iyo magaalooyinka kale ay saas ku soo wax bartay in uu xubin Barlaman u tartamo oo waliba ku guuleeysto kaddibne uu soo saaro Madaxweyne asagoo kale ah oo ay labadooda DHIBAATADA LA’QEEYBSADAAN SHACABKA OO AY DHIBAATADA KA SAARAAN HOOYADA SHAAHA KU KARINEEYSO JIDADKA OO WALIBA AY U DHEER TAHAY AMAAN XUMIDA.

Hadda waxaa muuqato in Barlamanka loo xiray in ay u tartami karaan oo kali ah: kuwii midooyinkii dambe Barlamanka ahaa oo laaluushka ku soo saarayay Madaxweyne yaalka aan dhibaatada shacabka Soomaaliyeed la’qeeybsan ayaka Barlamanka ah laftoodane aan shacbaka dhibaatada la’qeeybsan intooda badan 80% kuwaas oo heeysto lacagihii hore oo ay laaluushka ku qaateen iyo lacago kale oo ay siyaabo kala duwan uga dhaceen hantidii Qaranka Soomaaliyeed, taasne waa Qaranka Soomaaliyeed ha’bur Buro.

B) waxay dhaheen madaxdii shirtay muwaadinka cabasho ma’gudbisan karo taas oo doorashada ku saabsan ilaa uu lacag heeysto.

Qodobkaas WAA FITNO IYO AFDUUB lagu sameeyay shacabka Soomaaliyeed oo u OOMAN in ay helaan doorasho xor iyo xalaal ah taas badalkeeda waxay aheeyd in la’yiraa muwaadinkii dareemo in lagu sameeyay wax yar oo caddaalad darro ah waa in uu si deg deg ah ula soo xiriiro Guddiga khilaafaadka si shuruud la’aan ah balse marne meesha kuma jirin in la’yiraa HORTA DHOWR KUN OO DOOLAR SOO HEL KADDIB CADDAALAD SOO RAADSO.

3) waxaa is weeydiin leh: shacabka Soomaaliyeed waa u jeedaa in ay madaxdii soo saareen qodobo xambaarsan TAKOOR. XAQIRAAD MUWAADIN. KALA SARREYN MUWAADIN oo doorasho lagu galayo marka maxeey uga hadli waayeen FITNADAAS dalka loo horseeday?

Jawaabtu waxay tahay shacabkaan Soomaaliyeed wuxuu soomaray 21sano oo Ragiimkii uu shacabka BAHDILAAD XUN U GEEYSTAY oo aan caddaalad laga hadli Karin, oo aan doorasho laga hadli Karin, oo muwaadiniin kala Sarreeyso laga hadli Karin Markaas wali waxaa shacabka ka Guuxayo bahdilaaddii hore sidaas ayeey AAMUSNAANTA DAN U MOODEEN.

Dalkeenna Annakaa iska leh sidaas darteed dhaqan la’kala fadhilayo muwaadinka Soomaaliyeed WAA IN AAN DALKA KA FOGEEYNO si aan u helo Qaran sharaf leh oo Caalamka la’jaan qaado karo.

Mahadsanidiin.

Barre Elmi

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here