Jowhar (dayniiile.com)-Xaafada Hanti-wadaag ee Magaalada Jowhar waxaa laga soo sheegayaa in dadkii deganaa badankood ka barakaceen roobab waa weyn oo ka da’ay darteed.
Sida ka muuqatay muuqaal uu Tv-ga qaranka ka soo diyaariyay Xaafada Hanti-wadaag waxaa muuqanaya in biyihii roobku isu badaleen sida wabiga.
Dadka shacabka ee reer Jowhar gaar ahaan kuwa Xaafada Hanti-wadaag ayaa dalbanaya in caawimaad lala soo gaaro madaama ay biyaha roobka dartood xitaa qaarkood cunto dalbanayaan.
Gudoomiyaha Xaafada Hanti-wadaag Cusmaan Xuseen (Cusmaan Gaab) ayaa codsaday in cid kasta oo wax ka gasha ay ka qeybqadato xal u helida biyaha xaafadaasi harqiyay.
Cusmaan Gaab wuxuu sidoo kale ku baaqay in dadka wax heysta ay kaalmeeyaan shacabka dhibaateysan oo u baahan in raashin iyo agabyada kale laga saacido.
Waxaa lagu wadaa in Maalinta berito oo Sabti ah Magaalada Garoowe ay tagaan Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo sidoo...