GAZA (DAYNIIILE.COM)-Xamaas ayaa qaaday tobanaan weerar oo ka dhan ah ciidamada Israel kuwaasoo ay khasaare baaxad leh ku gaarsiiyeen Yuhuuda.

Abu Cubeyda oo ah afhayeenka garabka hubaysan ee Xamaas ee Qassam Brigades, ayaa sheegay in kooxdu ay burburisay 71 baabuur oo militariga Israel ah afartii maalmood ee la soo dhaafay.

Advertisement

“Dagaalyahanadeena waxa ay xaqiijiyeen dilka 16 ka mid ah askarta Sahyuuniyadda, ayna dhaawaceen tobanaan kale, iyaga oo fulinaya 42 howlgal oo militari,” ayuu Abuu Cubeyda

Af-hayeenka Wuxuu intaas ku daray in weerarada ay ka mid yihiin in la duqeeyo goobaha Israel oo lagu bartilmaameedsado walxaha qarxa iyo sidoo kale iska horimaadyo ka yimid godad dhulka hoostiisa mara oo ay ciidamada Israel ka howlgalayeen.

Sida uu sheegay Abu Cubeyda, dagaalyahannada Xamaas ayaa sidoo kale Gaza ku soo riday laba diyaaradood oo kuwa ilaalada ah oo ay Israa’iil leedahay.

=SOURCE ALJAZEERA=

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
The Israeli army evacuates its soldiers who were wounded in battles in Gaza via a helicopter for medical treatment at Beilinson Hospital near Tel Aviv, Israel on December 18, 2023.

Previous articleVladimir Putin oo shaaciyay inay sii kordhinayaan weerarada ay ku hayaan
Next articleFarmaajo oo ka fal celiyay Heshiis Badeedka Itoobiya ay la gashay Maamulka Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here