Xamar ma lihid waadse deggen tahay ee ha iska ciideeynin

0

Waxaan maalmahaan arkayaa siyaasiyiin iyo xubno kale oo kasoo jeeda dadka Banaadiriga(Gibilcadda ama Carabta) oo si aan leex leexad laheyn ayagoo soo hor fariisanaya shaashadaha leyska arko u sheeganaya lahaanshiyaha caasimadda Muqdisho. Waxaan ognahay iney dhabarka kasoo riixayaan reero kale oo aan iyagu ku dhicin iney si toos ah u sheegtaan, balse iyaga ku sahminaya! Laye: “Gal biyihiisu dhooqa leeyihiin Ul dheer baa leysaga sahmiyaa”

Haddaba,waxaan jecleystay inaan wax ka iraahdo arrintaas Aniga oo soo koobaya.

Dufcadii ugu horreysay ee dadka reer Xamarka/Carabta loo yaqaan waxey yimaadeen Soomaaliya qarnigii 11-aad markii ay kusoo jabeen Andalusia iyagoo fixrad ah.

Qaar kale waxay yimideen xilliyo dambe ayaga oo ganacsato ah, nolol raadis ah ama gumaysiga la socday.

Mida kale dadkani Carab ma wada aha, waxaa ku jira Beershiyaan, Portugiis, Hindi, Bangladesh, Barbari, Kurdi, Yuhuud iyo dabcan Carab.

Dadka yiri ayagaa asal ah aaway miyigoodii? Sideedaba magaalo asal ma noqoto ee dadka ayaa asal noqda, waxaana asalnimadaas halbeeg lagu cabbiro looga dhigaa dadka ku hareereeysan magaalo kasta ee Baaddiyaheeda daga ee Goofafka Ab ka Ab ku leh.

Runta iyo taariikhda lagama xishoodo sheegistooda. Dadka Cadcad Sujoorno ayaa loo goyn jirey, kuna degenaayeen magaalada Muqdisho, 1960-kii ayaa la baabi’iyey oo loo ogolaadey iney Soomaalida ah ee dhaladka ah la mid noqdaan. Magaalo kastana marti ayay ku ahaayeen.

Si kale hadaan u dhigo Gibil cad ayaa asal ah waxay la mid tahay America waxaa iska leh Yurubtii tagtay dhamaadkii qarnigii 14-aad.

Tan kale, dadka Gibilcadda ah waxay joogeen meel kasta oo Somalia ka mid ah qaasatan magaalooyinka Xeebaha ah.

Waxaa is weydiin mudan; aaway Gibil-caddii Berbera, Boosaaso, Kismaayo degenaa?
Maxey lahaanshiyaha magoolooyinkaas oo ay u degganaayeen si la mid ah sidey Xamar u daganaayeen u sheegan waayeen?
Anigu kolley ma arkin mana maqlin ayagoo magaalooyinkaas sheeganaya oo dadkii lahaa kula dhaggan.

Jawaabta weydiimahaas aniga waa ii cad yihiin waxaanse ku soo ururinayaa in dadka Xamar asal ahaanta u daggan una leh ay yihiin kuwo Dad-oggol ah oo qalbi wanaagsan martidana soo dhaweeya.

Haddii ay dadka Gibil-cadda ah iyo cid kastoo aaminsan iney waddammo kale kasoo hayaameen, yimidna dhulkaan, waxaa ceeb ah iney ku qabsadaan dadkii Ilaahey ku beeray ee deggenaa.

Haddaan ku celiyo, Caqli maaha in Caddaanka Mareykanka ee yimid dhulka 1492 sahmintii Bad mareenkii Talyaaniga ahaa Christofer Columbus kaddib, ay ku qabsadaan lahaanshaha dadkii loogu yimid ee Red Indian ka.
Markaan saas leeyahay waxba uma diidani dadkaas oo xaqooda waa looga ogol yahay Xamar, sida ay hadaba ugu nool yihiin ayagoo ka cararay meelihii kale, laakiin haday Geed fuulaan oo isku dayaan sad bursi waa u sheegaynaa wixii khaldan, waxaan kaloo uga digayaa inay balag beena u lulaan dad reer koraad ah oo doonaya inay Ajeende qalloocan oo Hawiye riixid ah u adeegsadaan dadkaan walaaleheen ah.

Qoraalka kale waxaan ku eegi doonaa siyaasad xumada Hawiyaha ee ku aadan sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen Xamar ayagoo aan dadka kale ka sheeganayn iyo dhibka ay isku haayaan.
Sideydaba Muluc muluc iigu imaan meysiin!
Qore: Aw Cismaan M Qanyare

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here