Xarun al-shabaab ka soo abaabuli jireen Dagaalka Muqdisho oo laga qabsaday

0

Wararka ka imaanaya Tuulada Basra oo qiyaastii 14 km galbeed uga beegan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo  al shabaab  ka soo ababuli jireen dagaalka iyo Qaraxyada ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Dowlada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay dagaal muddo kooban socday kadib qabsaday tuulada Basra oo qiyaastii 14 km galbeed uga beegan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo ay gacanta ku hayeen dagaalaamyaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale Hawgalka lagu qabsaday Basra ayaa bilowday barrqadii maanta ayaa inta  aysan ciidamada  dawladdu galin waxay dagaal ku galeen deegaanka la yiraahdo Daniga oo aan ka fogeyn Basra markaas oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay qaraxyo iyo weerarro toos ahba la beegsatay ciidanka sida ay warbaahinta  u sheegeen dadka deegaanka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here