Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay arinta amarka Dowlada ee ah in meydadka ku jira qabuuraha iskuul-Buluuisiyo ee Muqdisho laga saaro si halkaasi ciidamada Badda xarun loogu dhigo.

Xasan Cali Kheyre qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidan u qorneyd:-

Advertisement
Waxaan aad uga damqanayaa, jirkeyguna la jiriricoonayaa amarka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ee lagu amray in la faago meydadkii ku aasnaa qubuuraha Iskool Polizia. Waa amar gurracan iyo fal argagax leh oo ceeb iyo cambaar ku ah madaxda dalka iyo guud ahaan dowladnimada Soomaaliyeed, taariikhdana ka geli doono baal mugdi ah.

Waxaa xusid mudan in mowtada qubuurahaas ku aasan ay u badan yihiin masuuliyiin dowladeed iyo saraakiil ciidan oo dalkan naftooda u soo huray, halkaasna loogu aasay duruufo amni. Waana nasiibdarro in maanta loogu abaalgudo in ehelladooda lagu qasbayo in ay faagaan qabriyadooda, lacagna looga qaato in ay meydadka la baxaan.

Waxaan qoysaska iyo ehellada dadka qubuurahaas ku aasan uga tacsiyeynayaa falkan uur-ku-taallada ah. Waxaana madaxda dalka ugu baaqayaa in la xurmeeyo meydadka, si degdeg ahna loo hakiyo fulinta amarkan gurracan, raalligelin buuxdana la siiyo ehellada mowtada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee la anfariirsan warkan dhiillada leh.
No photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here