Xasan Kheyre qalalaasihi siyaasadeed uu ka digayay oo ay muuqato in uu Dalku wajihi doono?

0

Madaxweyne Farmaajo iyo baarlamaan ka Somaliya waxay wali ku adkeysanayaan in Dalku leeahay sharci doorasho lagu galayo oo ah qof iyo cod, aysan suurta gal ahayn in dib loogu noqdo xiligii doorashoyin ka dadban la qaban jiray.

 

Halka saamileyda siyaasadeed iyo guud ahan mucaarad ku ba ayku doodayaan in aysan qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah, sidaa awgeedna lagu qasban yahay in xal dooasho la keeno.

 

Aragtida siyaasadeed ee sidaa u kala fog waa kuwa halis tooda wato, oo hadii ay dhacdo in awood lagu meel mariyo in mudo kororsi an sharci ahayn lagu dhawaaqo ay keeni karto in xaaladu ay faraha ka baxdo.

 

Mucaarad ku wuxu ku doodaya in mudada ha’adaha xukumadu hadii la gaaro in aysan aqoonsan doonin xukumada iyo baarlamaan ka hadii 4tii sane la doortay uu waqtigoodu uu dhamaado.

 

Halka hogaan ka talada haya ay iyaguna taagan yihin Dalkani doorasho sharci buu leeyahay, xaqna maaha in dib loogu laabto doorashoyin la qabtay xili aysan hore u jirin sharci doorasho oo dastuuri ah.

 

Waxaa hubaal ah in ay laga maarman tahay in labada dhinac ba ay xal raadinayaan Dalkan lagu badbaadin karo, Wadan kenu wuxu halis ugu jiraa in colaad sokeeye ugu qaraxdo hadaan lasyku tanaasulin.

 

Hadaba aqristow doorashada la ansixiyay hadi ay qabsoomi weydo maxaa xal noqonaya?

 

W/Q: Daad Qaate

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here