Xildhibaan Aamiina Maxamed Cabdi Dilka Ikraan Tahliil Farmaajo ayaa wax ka maleegay

Xildhibaanad Aamina oo ah Masuul ka tirsanaa Baarlamaankii Waqtigiisa Dhamaaday oo Caawa saxaafada kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa faah faahisay halka uu ku danbeeyey Dacwadii Ikraan Tahliil iyadoona sheegtay in ilaa iyo hada horay u socon la yaday Kiiskaasi

Waxaan la kulanay Maxakamada Milatariga Xeer Ilaalinteeda waxayna noo sheegeen in laga hor istaagay in Dacwada la baaro si loo socod siiyo waxeyna noo sheegeen ayeey dhahday in aysan imaan karin Xarunta Nabad Sugida halkaan Ciidamo isku gadameen si baaritaan u dhici .

Sidoo kale waxay sheegtay Xildhibaanada in Maxkamada lagu war galiyey in dhamaan Kaamirooyinkii la tir tiray

Xeerilaalinta ayaa sidoo kale sheegtay in xataa loo diiday in ay Dadka ka wareystaan

Xildhibaanada ayaa sheegtay in Kiiska Ikraan hortaagan yahay Madaxweynaha Xilkiisa dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo isagoona siday sheegtay Danbiilayaashii Xilal heersaraa u magacaabay

Xildhibaan Aamina ayaa sheegtay in Farmaajo wax ka maleegay Dilka Ikraan Tahliil sidaana u diidan yahay Cadaalad loo helo Ikraan

Dhanka kale Ra iisal wasare Rooble ayaa Qooska Ikraan Tahliil la kulmay isagoona balan qaaday in uusan ka seexan doonin Dacwada Ikraan ilaa ay cadaalad hesho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here