Xildhibaan Abdirahmaan Odawaa Aya qoray

Waxaan u mahad celinayaa madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo oo maanta si sharaf leh xilka ku wareejiyay.
Madaxweynaha waxaan u Rajeynayaa Mustaqbal Wanagsan.

Ummada soomaaliyeed dhammaanteed waxaan xusuusinayaa in ixtiraam, qadarin iyo qiimeeyn gaar ah ay mudan yihiin madaxda hore ee dalka oo madaxweyne Farmaajo maanta wareejiyay ugu dambeeyo, Marna sharaf lagu ma helo caayda, aflagaadada madaxda iyo mas’uuliyiinta dalkaan Soo maamuulay oo runtii mudan bogaadin iyo duco dadaalkooda ku aadanaa waxa ay qabteen, wixii ka hallaabayna dhaliishooda ay hore usoo qaateen oo xilligeedii loo jeediyay. si gaar ah madaxda dalka so maray waxay leeyihiin mudnaan gaar ah iyo maamuus Qaran.

Madaxweynaha maanta la wareegay xafiiska Hassan Sheikh Mohamud oo markale helay fursad aysan waligeed helin ruux kale oo Soomaali ah, ama aysan madax badan oo dunida soo martay nasiib u yeelan waxaan leeyahay dadku waxa ay kaa filayaan adeegyo caddaalada iyo amniga ugu horreeyaan, adkeynta dimuqraadiyada, sarreynta sharciga, dhowrista dastuurka, adkeynta midnimada Umadda iyo wadajirkooda, wada shaqaynta hay’adaha dowlada, iyo wadatashiga oo udub dhexaad u noqda hogaankaaga maanta, annaga oo Alle kaaga rajeynayna Inuu mas’uuliyada kula qaado, dadkana kula garab galaan, hogaan la isku halleyn karana aad u ahaato oo wax waliba hurmuud uga noqoto.

Soomaaliya oo is raacday, soomaaliya oo wada jirta.

Soomaali Hishiis ah dunidana Hishiis la ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here