Waxaa goor dhawayd Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble oo ka tirsanaa Golaha shacabka,  kuna  magac dheeraa Xildhibaan ‘Casoowe’.

Xildhibaanka  ayaa ka tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka. Waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhacay cudurka Coronavirus, oo si weyn ugu baahay dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanka uu maalmihii la soo dhaafay la il darnaa xanuunkaas, waxaana la sheegay in uu galabta ku geeriyooday halkaas.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyadeeyay dhammaan xildhibaanada Golaha Shacabka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Axmed Dhimbiil Casoowe.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska,asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe). Marxuumka Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Xildhibaan Casoowe waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu da’da weynaa golaha shacabka, waxaana laga soo doortay gobollada waqooyi ee Somaliland.

 

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here