Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali  “ 8 Febarayo  wixii ka Danbeeya waxan diyaarinaynaa sidii daowlad loo dhisi lahaa Farmaajo iyo teamka la jooga kuma fiirsanayno dalka.

0

.

 

 

 

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Ileys kana mid ah kuwa sida aadka ah uga soo hor jeeda in Mar kale y ku darsadaan ama ay sii joogaan maamulka Villa Somaliya ka arimiya ayaa si kulul uga hadlay arintaas.

Cosoble waxa uu si cad u sheegay in ay bilaabi doonaan Sidii Dalka Dowlad loogu dhisi lahaa 5 Bil kadib hadii Dowlada farmaajo ay dalka gaarsiin Wayso Doorasho.

“anaga waxaa bilaabi doonaa  sidii aan u dhisi lahayn Dowlada dalka gaarsiisa doorasho, maxaa Yeelay Dowlada farmaajo iyo teamka la jooga, Diyaar uma aha arintaas  qof uu farmaajo la sii joogi doono ma jirto iyo cid uu xoog ku xukumi doono” ayuu yiri Xildhibaanka.

C/ qaadir Cosoble Cali oo ka hadlayay kulankii madasha Xisbiyada Qaran  ee shalay dhacay.

”Farmaajo wuxuu iska xooray Dastuurka sharci waxba kama rabo wuxuu shaqo ku leeyahayna aysan jirin hadii uu isag saas yeelo Umada kale hadii ay ku daysato oo sharciga iska xoorto oo nin waliba jidka soo istaago ha ogaado inuu eedeeda isaga qaadanaayo burbur kasto oo Soomaaliya ku yimaado inuu isaga qaadanaayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Cosoble.

Sidoo kale Cosoble ayaa waxaa lagu tilmaama Xildhibaanada Qunyar socod ah, wallow  Madasha Xisbiyada Qaran  maalmahan la hadal hayay in uu Qilaaf u dhaxeeyo.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here