Xildhibaan Faqi oo Ka hadlay Furitaanka Xaflada Xisbiga Isbaheysiga dhaliil kula dul dhacay madaxda dowladda

 

 

 

Xildhibaan faqi ayaa page facebookisa kuso daabacay qoraal uu uga hadlaayo xaflada furitaanka xisbiyada isku tagay wuxuna aad ugu dhaliilay qoraalkiisa madaxda talada heysa asigoo ku tilmaamay kaligood taliyaal

 

Wuxuna u qoray sida tan

Daahfurka Madasha Xisbiyada Qaran waxey fure iyo xal u keenaysaa car-cararkii iyo ceegaagsanaantii siyaasadeed ee dalka ka jirtey, waxaa maantay soo afjarantey in hogaamiyaasha madaxda dowladda ay ku sii nagaato muddo korursi

Waxaa soo gabagaboobey caburintii iyo cagta-jugleyntii, xayiraadda xoriyatul qawlka iyo ka xadgudubka xuquuqda muwaadiniinta ee ay kooxda Villanueva caadaysatay.

Waxaa maantay bilaabanaysa In siyaasadda dalka iyo geedi-socodka hawlaha qaran ee waqtiga kooban ee harey yaalla In wada-oggol iyo isla guddoomin lagu waajaho, oo aan laga sugin oo kaliya dhowr qofood oo sabool ka ah xagga fikirka.

Waa guul taariikhi ah iyo tallaabo ugub ku ah siyaasadda dalkeena.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064