Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo kamid ah xubnaha hoggaaminaya dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ ayaa sheegay in sababta kordhisay qaraxyada ee Gobolka Hiiraan ay tahay in muujiyaan in weli saameyn leeyihiin.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in howlgallada ka billawday Gobolka Hiiraan uu gaaray deegaanno ka fog isla markaana gacanta lagu dhigay Magaalooyin waaweyn oo katirsan Gobollada Galgaduud & Mudug oo DG Galmudug ah.

Khasaare ayuu sheegay in ‘AS’ lagu gaarsiiyay dagaallada ka socda Gobollada Dalka balse si ay u aarsadaan ay u sameynayaan qaraxyo uu tilmaamay in laga feejigan yahay marka laga tusaale qaato meelaha qaraxyadaas ka dhaceen.

“Inta badan Webi Shabeelle dhiniciisa bari waa laga xorreeyay ‘AS’, Magaalooyinka qaraxyadu maalmahaan ka dhacayeen waa magaalooyinka ugu waaweyn ee Gobolka Hiiraan sida Jalalaqsi, Buulo burte, Maxaas & Halgan, sababtuna waxa ay tahay in la qabtay Xarardheere, Ceeldheer & Galcad marka way ogaayeen in maalmaha soo socda magaalooyin waaweyn gacanta ka bixi doonaan si ay Dadka u marin-habaabiyaan oo ay u tusaan in ay weli nool yihiin ayay weeraradaan u qaadayaan bacdamaa ay ku guuldareysteen furimaha & dagaalka fool ka foolka ah wax ku keeni waayeen ayay si cadawtinimo ah uga aarsanayaan Dadweynaha una xanuujinayaan” Xildhibaan Sanbaloolshe.

Deegaannada dhaca Galbeedka Webiga Shabeelle ayuu soo jeediyay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe in loo jiheysto si loo yareeyo dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan si ay u abaabulaan qaraxyo waa sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalku marna waa sugid ammaan marna waa fool ka fool la iska soo horjeedo, marka hore waa in cadawga la naafeeyo oo la burburiyo saldhigyada uu kasoo duulo, sida aan aaminsanahay waa rafashadii ugu dambeysay, maalmaha soo socda labo kacleyn ayaa lagu sameyn doonnaa la dagaalanka ‘AS’, Hay’adaha ammaanka waxaa rajeynaa in ay sugaan amniga, Dagaalka inta badan hal dhinac kama socda, marka lasoo gabagabeeyo dagaalka Galmudug in loo jiheysan doonno Galbeedka Webiga Shabeelle ee Hiiraan & Shabeelaha Dhexe” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa ka socda Gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe oo DG Hir-Shabeelle ah, Galgaduud & Mudug oo DG Galmudug ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here