Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland oo Maanta la dhaariyay Iyo Walaac Laga Muujinaayo Xaalada Siyaasadeed

 

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubabda Hoose waxaa Maanta lagu qabtay munaasabad lagu dhaariyay Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland,kuwaas oo 73 ka mid ah xalay ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Waxaa goobjoog ka ah Xafladda dhaarinta Baarlamanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Xildhibano ka tirsan Labada Aqal, ee Baarlamanka federalka Soomaaliya ,Odoyaasha Dhaqanka Jubbaland ,ee soo Xulay xildhibaannada,Dhamaan Guddiga madaxa Banaan ee Doorashooyinka Jubbaland ,Ururada Bulshada rayidka iyo aqoonyahanada deegaannada Jubaland.

Intaasi kadib Xildhibaannada Cusub ee Baarlamanka Jubbaland ayaa waxaa goobta ku dhaariyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ee Jubbaland,sida uu sheegay Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah Golaha Shacabka goobjoogna ka ahaa munaasabada dhaarinta.

Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa waxaa maalmaha soo socda ay guda geli doonaan doorashada Guddoonkooda iyo doorashada Madaxweynaha Afarta sana ee soo socota Maamuli doona Maamulka Jubbaland

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064