Wararkii ugu danbeeyay doorashada:

Shirkii maanta dhexmaray madaxda shanta maamul goboleed ayaa lasheegay in xoogaa is faham laga gaaray iyadoo wali intabadan qodobada waawayn ee la isku hayo aan wali lafurin.

Madaxda maamulada ayaa isku afgartay inta aan qodobada waawayn loogudbin ay lakulmaan dhinacyada doorashada ay qusayso.

waxay maanta lakulmeen midawga musharixiinta iyagoo ka dhagaystay fikir kooda ku aadan habka ugu haboon ee looga gudbi karo caqabadaha taagan.

waxaa berito ubalansan kulan ay laqaadan doonaan Gud. Aqalka sare Cabdi xaashi iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland.

Kulamadaas kadib waxay guda geli doonaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan, kadib waxay kulan laqaadan doonaan wakiilada Beesha Caalamka, markaas kadib ayay soo saari doonaan war saxaafadeed ku saabsan Sida ay uga wada qayb geli doonaan shir balaaran iyaga iyo M. Farmaajo.

Dhina kale Maxamad Mursal ayaa amray in 15 xildhibaan loo diido in ay shirarka Baarlamaanka ka soo qeyb galaan.

Xildhibaanadaas ayaa maanta ka horyimid qorshe ay sheegeen in gudoonka ku doonayay mudo kordhin.

Maalinta isniinta ayaa markale baarlamaanka kulmidoonaa, iyadoo xildhibaanada laga mamnuucay kulankaas ay ku hanjabeen dhankooda inay talaabo ka qaadayaan gudoonka baarlamaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here