Sida la sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad iyo xubno kale oo katirsan Hay’addaasi kalana hadlay nabad gelyada iyo howlaha la xiriira.

Madaxweynaha ayaa ku canaantay Mahad & sirdoonka uu hogaamiyo inay heli waayeen macluumaadka kusaabsan weerarkii habeen hore ka dhacay Hoteelka Villa Rose Ee kaabiga ku haya Villa Soomaaliya.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay in ay weerarkaasi ku dileen mas’uuliyiin dawladda ushaqeenayey ayna sidii loogu talo galay ugu guuleysteen howlgalkaasi.

Agaasimaha NISA ayaa maalmo ka hor codsaday in koontaroolada laga ilaaliyo Madaxtooyada lagu soo wareejiyo amnigooda balse taasi ay Madaxtooyada diiday iyadoo taas uu mar marsiyo ka dhigtay weerarkii dhacay.

Waxa uu sheegay inay baaris sameenayaan qaabka loo fududeeyey weerarka maadaama xeyndaabka la beegsaday aheyd goob amnigeeda adkaa oo aysan Shabaab usahal noqon karin in ay galaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lasoo wariyey inuu ubaahan yahay kala shaandheyn lagu sameeyo saraakiisha ciidamada amniga gaar ahaan hay’adda Sirdoonka uu Mahad hogaamiyo jawaab cadna laga sugayo wixii dhacay baaristooda.

Qaar ka mid ah ehelada Madaxweynaha oo dalka iyo dibaddiisa kusugan ayaa kula taliyey Xasan Sheekh inuu amnigiisa wax ka badelo oo ay jiri karaan shirqoolo lagu khaarajin karo hadii uusan il gaar ahaan kuwa ciidamada la socda hohgaanka u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here