Waxaa jira shir aad muhiim ugu ah Dowlada Somalia kaasoo ka dhaci doona Magaalada New York ee Dalka Mareykanka.

Shirkaan oo loo balansan yahay 12-ka bishaan ayaa u dhexeeya Dowlada Somalia iyo 26 Dowladood oo waa weyn.

Advertisement

Shirkaan waxaa lagu wadaa in Somalia loogu yabooho dhaqaale lagu qalabeeyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya xili habeen hore Somalia laga qaaday cunuqabateynta hubka ee saarnaa 31 sano.

Sidoo kale shirkaan waxay Somalia ku heli doontaa la talin ku aadan sida saxda ah ee ay Ciidamadeeda u hubeyn karto, mustaqbalka dhawna si buuxda ay ula wareegaan amniga Dalka oo dhan, loogana maarmo Ciidamada shisheeye.

Shirkaan wuxuu ku soo aaday xilj Somalia ku guuleysatay in Qaramada Midoobe ka qaado cunuqabteyntii hubka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleSaciid Dani oo si dabacsan ula hadlay Mucaaraka hubeysan.
Next articleHowlgal nuuciisa aan hore loo arag oo lagu soo qabtay Sarkaal Alshabaab ka tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here