Shirarkii madaxda oga Socon jirray Adis Ababa iyo Asmara ee Shacabka saddexda dowladood loogu sheegay is dhex galka bulshadda iyo dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika.

qorshihii lagu dajiyay kulamadaas waxay ahaayeen sidan:

• ETHIOPIA:

1. Qorshuhu waxuu ahaa in doorashadda dib loo dhigo muddo an la cayimin.

2. Tigreeyga oo arrintaas diidi doonna in cagta la mariyo maadaama ay tigreeygu ogu xoog badan yihiin maamuladda ka jirra dalka Ethiopia.

3. In la tirtiro dhammaan dowlad deegaanadda ka jirra Ethiopia si awooda loo hoos keeno dowlada dhexe ee Ethiopia .

4. In Qoowmiyadda tigreeyga laga fogeeyo maamulka golle-yaasha dowlada Ethiopia iyo saraakiisha Ciidamadda.

• SOOMAALIYA:

1. qorshuhu waxuu ahaa in la weeraro jubbaland July 2019. Kana qeyb qaataan dagaalka Ciidamadda Ethiopia ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo ciidamo dheeraad ah oo ka imanayay gudaha Ethiopia.

Waxaad xasuusataan diyaaraddii ka soo kacday magaaladda godey ee laga celiyay garoonka magaaladda kismaayo iyo waxii qorshe-yaal ahaa ee ka danbeeyay ee la fashiliyay.

2. La dagaalanka dowlad gobolleedyadda ka aragti duwan DFS. iyo in la abuuro maamulo villa Soomaaliya raali ka tahay kuna shaqeeya arragtideeda.

3. Markaas kadib in la soo bandhigo heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee loo saxiixay Ethiopia sida dekedihii iyo mashaariicda kale.

4. Mustaqbalka soo socda in laga wareego hannaanka federaalka loona wareego dowlad dhex oo awood u leh magacaabista guddoomiye-yaasha goboladda dalka.

5. Doorashadda qaranka in dib loo dhigo sida Ethiopia ayadoo lagu andacoonayo CORONAVIRUS iyo doorasho qof iyo cod ah ayaan gaarsiinaynaa dalka.

• ERITREA:

Qorshahan waxaa diyaariyay madaxweynaha Eritrea oo ah khabiirka ogu cimriga dheer madaxda dowladaha geeska Afrika.

-hadafka Eritrea waa inay kala tirdo awooda dowlada Ethiopia una kala qeybiso dowlado yar yar on culeys ku heynin dowlada iyo Shacabka Eritrea.
– in Ethiopia iyo Soomaaliya laga sameeyo madax saaxiib dhow la ah oo kursiga ku sii fadhida wakhti dheer sida madaxweynaha Eritrea.

MAXAA SOCDA MAANTA:

Dagaaladdan ka socda gobolka tigreeyga iyo doorashooyinka ka Socon la dowladaha Ethiopia iyo Soomaaliya waa qeyb kamid ah qorshe-yaashii lagu diyaariyay ASMARA IYO ADIS ABABA ee inna loogu sheegay is dhex galka dhaqaalaha iyo bulshadda gobolka Geeska Afrika.

wali wuu socda qorshuhu ee daawasho wacan.

W/Q: Cabdiraxman Raabi.

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here