HomeWarkiiXOGTA: Kala shaki soo kala dhex galay Macawisleyda iyo Dowlada

XOGTA: Kala shaki soo kala dhex galay Macawisleyda iyo Dowlada

Waxaa soo baxaya xurguf iyo kala shaki soo kala dhex galay Saraakiisha Macawisleyda qaarkood gaar ahaan kuwa reer Hiiraan kadib duqeyn shalay ka dhacday xadka labada Gobol ee shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

Sarkaal u hadlay Macawisleda ayaa ku eedeeyay Dowalda in iyagoo dagaal kula jira Alshabaab duqeyn looga diilay qaar ka mida macawisleydii dagaalka kula jirtay Alshabaab.

Col. Khaliif Idiris  Cusmaan oo ah milateri hore hadana qaabilsan isku xirka macawisleyda iyo ciidamada Dowlada ayaa u hadlay macawisleyda wuxuuna sheegay in dhabar jabin weyn lagu sameeyay ciidamada deegaanka islamarkaana hal goob ay diyaaradaha dagaalku ku dileen 12 macawisleyda ka mid ahaa .

Wuxuu ku hanjabay in ciidamada deegaanku leeyihiin siyaasiyiin Dowlada ugu jira islamarkaana aan la iska cafin doonin dhibaatada ciidamadaas loo geystay

“iyagoo u baxay inay Alshabaab dhabar jabin ku sameeyaan ayaa waxaa cirka laga duqeeyay” ayuu yiri Sarkaalkaasi

Lama oga sida ay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalku uga jawaabi doonaan eedeyntaasi culus ee loo jeediyay.

Sida caadiga ah amarka duqeynta iyo goobaha lala eeganayo waxaa shisheeyaha xogta ku siiya saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Somalia.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -