.

Ma jiro wax dagaal ah oo dhex marray Ciidamadda Dowladda iyo Kuwa Ahlusunna, waxa kaliya oo la maqlay saaka jugta hoobiyaal banaanka degmadda ka dhacayay.

Inkasta oo dagaal toos ah bilaaban waxa jira Xiisad u muuqata in daqiiqad walba uu dagaal dhici karo sababtuna waa Ciidamadda labadda dhinac oo aad iskugu soo dhowaaday iskuna muuqda.

Labadda Ciidan ayaa hadda isku horfadhiya duuleedka degmadda Guriceel kadib markii Ciidanka dowladdu kusoo dhowadeen qaar kamid ah Xaafaddaha degmadda Guriceel.

Goobaha laisku horfadhiyo ayaa kala ah Ceel Cali Faarax, Baladul Amiin, wadada aada Goodwiil iyo Xero Xoosh ilaa Ceel Jiiroow.

Ciidanka Ahlusunna ayaa galay Godod ay dhufeyso ka qoteen oo ku dhow Goobaha aan soo sheegnay halka Ciidamadda Dowladda ay joogaan meel u muuqata Dhufeysyadda Ciidanka Ahlusunna ay ku jiraan.

Dadka ku harsanaa magaaladda ayaa intii u danbeysay saaka iskaga baxeen kadib markii ay ogaadeen in Magaaladdu gashay Xaalad dagaal.

Fadlan Like Saar oo Share dheh Pagekan si aad u hesho xog rasmi ah oo xaqiiqda ku saabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here