Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyn ku-xigeenka  Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta goob joog ka noqday dhaarinta xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo xubin ka mid ah Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland.

Xubnaha cusub ee maanta la dhaarshay ayaa kala ah Wasiirka wasaarada Ganacsiga, Warshdaha iyo Maalgashiga Puntland, Wasiir ku xigeenka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo xubin ka mid ah Guddiga doorashooyinka Puntland (TPEC).

Madaxweyne Ku-xigeenka  Puntland ayaa Kula dardaarmay masuuliyiintan in ay shaqadooda u gutaan sida ugu wanaagsan si Bulshada loogu adeego, waxaana uu alle uga baryey in uu u fududeeyo xilka loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here