Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolada dalka ayaa sheegay in ka dhalin yaro ahaan ay uga qeyb qaadan karaan dhowr waxyaabood si looga guuleysto Al-Shabaab.

Wasiirka waxaa uu sheegay inay qorsheeynayaan Magacaabista guddi dhalinyaro ah, kuwaas oo sameeyn doona dhaqaala aruurinta iyo taakuleynta Ciidamada kujira furimaha ee la dagaalamaya Ururka Al-Shabaab.

Maxamed Barre Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed dagaalka kuwajahan Al-Shabaab ay uga qeyb qaadan karaan dhowr nooc si awooda la isugu geeyo ka xureynta dalka fursadaasna ay heystaan Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli meelo kamid ah gobolada dalka ay ka socdaan kacdoon ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo keenay in degaano badan ay ciidamada dowladda iyo dadka degaanka kala wareegaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here