Waxaa Magaalada Muqdisho Maanta lagu qabtay kulan u dhaxeeyay Mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Soomaaliya & Wakiilada Beesha Caalamka, kaas oo looga hadlayo dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar)  oo uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray hanaankii looga qayb qaadan lahaa kasoo kabashada qasaarihii ka dhashay dabkii Suuqa Waayheen ee Magaalada Hargeysa, iyad aoo dhinacyadu ay soo jeeiyeen talooyin kala duwan.

Shacabka Soomaaliyeed & qaar kamid ah dowladaha Caalamka ayaa aad uga xumaaday dabkii khasaaraha badan geystay ee ka kacay Suuqa weyn ee Magaalada Hargeysa, waxaana qaarkood ay balan qaadeen lacago ay uga qyeb qaadanayaan soo kabitaanka Suuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here