Xulka qaranka Croatia ayaa ku soo baxay kaalinta seddexaad ee koobka adduunka ee qadar 2022, looguna qaadanayo bilada maarta kadib markii uu 2-1 diray xulka Morocco.

Croatia, waa markii labaad ay koobka adduunka ku dhameystaan kaalinta seddexaad.

Sanadkii 1998-dii, xulka qaranka Croatia ayaa markii ugu horreeysay koobka adduunka ku dhameystay kaalinta seddexaad.

Sidoo kale xulka qaranka Croatia ayaa kaalinta labaad ku soo baxay koobkii adduunka 2018 ee Ruushka, waxayna kusoo laabteen gurigooda, iyagoo wata bilad qalin ah, markii ay guuldaro 4-2 ah kala kulmeen xulka qaranka Faransiiska oo hadda difaacanaya koobka adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here