Xulka Jarmalka ayaa u soo baxay Koobka Adduunka ee Qatar lagu qabanayo sannadka danbe ka dib markii ay guul weyn ka gaareen caawa xulka North Macedonia, iyagoo ku badiyay 4-0.

Xiddiga Chelsea Kai Havetz ayaa goolasha u furay xulka Jarmalka ka dib markii uu baas deeqsinimo ah ka helay Thomas Muller.

121032136 musiala

Waxaa u labeeyay xulka Jarmalka xiddiga kale ee Chelsea Timo Werner iyadoo caawiye uu ka ahaa Thomas Muller mar kale kaasoo isna dhaliyay goolka seddexaad.

Jamal Musiala oo yaraantiisii u soo ciyaaray England ayaa goolasha u soo xiray xulka Jarmalka isagoo si kalsooni leh u dhameytiray goolka afaraad.

Jarmalka waxay ka soo baxeen Group J ee isreebreebka Koobka Adduunka ee xulalka qaarada Yurub iyagoo sideed kulan oo ay ciyaareen ka helay 21 dhibcood, kooxda ku soo xigta ee kaalinta labaad waa Romania oo 8 kulan oo ay dheeshay leh kaliya 13 dhibcood.

 

Jarmalka oo afar jeer ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa u soo baxay tartanka markii 20aad kaliya Brazil oo 21 jeer u soo baxday ayaa ka badan.

Waxay u soo bixitaankooda Koobka Adduunka xaqiijisteen iyadoo labo kulan ay u harsan tahay oo ay la ciyaarayaan Liechtenstein iyo Armenia bisha danbe.

Dhanka kale xulka Netherlands ayaa sii xajistay hogaanka Group G ee isreebreebka Koobka Adduunka ka dib markii ay lix gool iyo waxba ku xasuuqeen xulka yar ee Gibraltar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here