Xuutiyiinta ayaa weeraro ku qaaday xarumaha saliida Sacuudiga iyo goobaha militariga Sacuudi Carabiya, Boqortooyada ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay tallaabo qaado,

kadib markii Xuutiyiinta Yemen ay sheegeen inay bartilmaameedsadeen goobo milatari iyo dhowr xarumood oo ay leedahay Shirkada Shidaalka Dalkaasi ee Aramco ah.

Xuutiyiinta oo la sheego in ay la safantahay Iran ayaa jimacaha maanta sheegtay inay bilaabeen weeraro ka dhan ah Sucuudi Carabiya si gaar ah saldhiga militariga ee Boqor Abdulaziz ee kuyaala Dammam iyo goobaha militariga ee Najran iyo Asir.

Tani waxaa ay imaaneysaa iyada oo dhawaan ay Boqortooyada Sucuudiga sheegtey in ay diyaar u tahay in Dagaalka Xabad joojin lagu bedelo kadib maaloo isbahaysigu ay duqeyneyeen Goobo ay Falaagadu gacanta ku haayeen.

Dhinaca kale Xuutiyiinta ayaa waxaa ay ka cagajiideyaan Xabad joojontaasi iyaga oo ku candacooneya in ay Xabada joojineyaan oo kalia marka ay balan qaadaan ishabaysiga Dalkaasi Duulaanka ku soo qaaday Goorta dhabta ah ah ee ay Dalkaasi isaga baxayaan.

By C/wahaab Aadan C/raxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here