Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi waa Mas’uulka ugu sarreeya Walaalaha kasoo jeeda Maamulka Soomaaliland ee kujira Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marka la eego habka kala sarreynta Madaxda Dowladda Federaalka guddoomiyaha aqalka sare waa Xubinta afaraad. Kow Madaxweynaha, labo guddoomiyaha golaha shacabka, saddex Ra’isulwasaaraha, afar guddoomiyaha aqalka sare.

Yaa soo magacaabay doorashadii hore guddiga doorashada Xildhibaannada goballada waqooyi?

Sannadkii 2016-ka waxaa guddigaan soo magacaabay guddoomiyihii golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, sababtoo ah majirin aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hadda uu guddoomiyaha kayahay Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Sidaas ayeyna khasab kunoqotay in guddoomiyaha golaha shacabku soo magacaabo guddigaan, maaddaama qofka ugu dhow uu yahay guddoomiyaha Baarlamaanki markaas jiray, sababtoo ah waxa lamagacaabayo waa guddi soo xulaya Xildhibaanno.

Maanta guddoomiyaha golaha shacabka boos ugama bannaaneyn Maaddaama uu joogo guddoomiyaha aqalka sare oo kasoo jeeda deegaannada wax loo magacaabayo, lkn waxaa qaab u eg boob usoo magacaabay Ra’isulwasaaraha oo fulinaya ammar Madaxweyne, iskana indha tiray guddoomiyaha aqalka sare oo u sheegay in howshaas isagu leeyahay.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here