Gaza (dayniiile.com)-Ciidamada Cirka Yuhuuda ayaa maalintii 16aad oo xiriir ah waxay duqen ka wadaan Magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin halkaasoo maalin kasta ay dad shacaba ku xasuuqaan,

Duqeynta maanta oo axad ah ayaa midii ugu darneyn maalmihii ugu danbeeyay marka loo eego.

Advertisement

Duqeynta shalay,xalay ilaa maanta waxaa ku dhintay ku dhawaad 260 ruux oo dhamaantood shacab ahaa.

Masaajido iyo Isbitaalo ayay maalin kasta duqeeyaan Yuhuuda mana jirto wax ka qabaneysa waxaadna moodaa in caalamkoo dhan isha ka fiirinayaan.

Wasaarada Caafimaadka Falastiina ayaa shaacisay in maalintii duqeynmahaan ay bilowdeen 7-8 Oktobar ilaa hada ay dhinteen 4651 ruux oo u badan dad shacaba gaar ahaan haween,caruur iyo duqoow,sidoo kale dhaawaca ayaa sii maraya in ka badan 14kun.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here