Baladweyne (dayniiile.com)-Madaxweyne Xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa hadalo u jeediyay Ciidamo shalay tababar loogu soo xirey Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan oo ka tirsan Nabad sugida ayaa loo tababaay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen amniga Baladweyne oo faraha ka sii baxaayay bilihii ugu danbeeyay iyadoo asbuucii dhamaaday Magaaladaasi lagu dilay dad shacaba oo qaarkood ganacsi ku heyteen magaalada.

Advertisement

Yuusuf Daba-geed ayaa ciidamada u sheegay inay wixii maanta ka danbeeya u xilsaaran yihiin soo celinta amniga Magaalada Baladweyne isagoona u balan qaaday inuu ku biirin doono hubka ay Dowladu siisay mid isaguna uu shaqsi ahaan u siin doono.

“waxaan u mahacelinayaa Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya sida Madaxeynaha iyo Taliska Nabad-sugida oo gacan weyn ku lahaa tababarka iyo qalabeynta Ciidamadaan tababarka loogu xirey Baladweyne, anigana waxaan idiin kugu darayaa 5 cabdi-bile oo dhashiike ay saaran yihiin,waa inaad mudo sedex bilood ah amniga wax muuqda uga qabataan”ayuu yiri Yuusuf Daba-geed

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah Magaalooyinka ugu waa weyn Gobolada Dalka islamarkaana waqtiyadaan danbe uu amnigeeda sii xumaanayay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here